Dowlada Federaalka Oo Saxiixday Heshiiska Mamnuucaya Hubka Nukliyerka..

Somalia news World

Dowladda Federaalka ayaa 8-dii Sebtembar saxiixday heshiiska lagu mamnuucayo hubka Nukliyeerka, taasoo haatan tirada dalalka saxiixayaasha ah ka dhigaysa 187, iyadoo La sheegay in Danjiraha Somalia ee UN-ka uu Qalinka ku duugay Heshiiska oo gadaal ay ka roixaayaan Dalalka EU-da…

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay heshiiskana Somalia u saxiixay Abuukar Daahir Cusmaan oo ah Ergayga joogtada ah ee Dowladda Federaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey oo wax ku saxiixay magaca dalkiisa iyo David Nanopoulos oo ah madaxa qaybta heshiiskan ee xafiiska arrimaha sharciga ee Qaramada Midoobey.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu ballanqaaday inuu saxiixayo heshiiskan furitaankii heerka sare ee madashii CTBT ee Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Vienna 19 June 2023.

Robert Floyd, oo ah Xoghayaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Mamnuucidda Tijaabada Nukliyeerka (CTBTO), oo u safray Soomaaliya bishii Febraayo 2023-kii, ayaa sheegay saxiixida heshiiskan in waddanka Somalia uu codkiisa ku darayo baaqa caalamiga ah ee joojinta tijaabada nukliyeerka. .”

276940cookie-checkDowlada Federaalka Oo Saxiixday Heshiiska Mamnuucaya Hubka Nukliyerka..