Kulanka Laas caanood oo Laga Mamnuucay Maamulada Puntland & Somaliland

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa kulanka lagu wado inuu uga furmo Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Laas caanood, ayaa soo saaray amaro looga mamnuucaayo Mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaanadaan ee u kala shaqeeya Maamulada Puntland iyo Somaliland…

Kulankaan oo ay ka qeyb gelayaan Ergo Odayaal Dhaqmeed ah iyo Xubno ka socda Qurba joogta kana soo tagay Dalal Badan, kuwaasoo ka tashanaaya Aayaha Beesha kadib markii muddo dheer ay ku kala milmeen Maamulada Puntland iyo Somaliland isla markaasna dagaalo ka dhacay kuwaasoo khasaare badan geystay

Sarkaal magaciisa lagu sheegay Feysal Falalug oo Madax u ah Xoogag hubeysan oo muddo u ololeynaayay Qadiyada Shacbiga Gobolka kana mid ah Ergada, ayaa sheegay inuu aad u daneynaayo in la dhiso Maamul ka madax banaan Labada Maamul toosna ugu xiran Dowladda Federaalka Somalia ama Maamul iskiis u Madax banaan.

Balse Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa digniino ka soo saaray in la siyaasadeeyo ama la fara geliyo, waxeyna Maamul kasta uu xusul duub ugu jiraa sidii ay saameyn ugu yeeshaan, si Go’aanada ka soo baxa uga faa’iideystaan.

239200cookie-checkKulanka Laas caanood oo Laga Mamnuucay Maamulada Puntland & Somaliland