Kulanka Maanta Ee Dowlada Federaalka Iyo Maamulada Gobolada

Somalia news

Mr.Farmaajo oo cadaadis xoogan ay saareen Wakiilada Beesha caalamka ayuu ku ogolaaday inuu shir isugu yeero madaxda Maamul Goboleedyada, kuna aqoonsaday Axmed Madoobe uu si KMG ah u aqoonsaday, isla markaasna uu ka codsaday Danjiraha Qatar inuu dhexdhexaadiyo…

Tan iyo intii uu Madaxweynaha soo saaray labadii qoraal ee is daba joogga ahaa ee shirka madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada, si lama filaan ahna u aqoonsaday Axmed Madoobe waxaa laga sugayey inuu caddeeyo qoddobo ay ka mid yihiin:-

-Goorta uu dhacayo Shirka uu ku baaqay?

-Halka uu ka dhacayo Shirka

-Ajendaha Shirka looga hadlayo?

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mr. Farmaajo oo uu madaxda maamul Goboleedyada u diray casuumaad ah inay ka soo qeyb galaan shirka uu ku baaqay oo maanta (Isniin) ka dhacaya aalada fogaan aragga ee “ZOOM” taasoo lama filaan cusub ku noqotay maamul Goboleedyada oo la filayo inay go’aano kasoo saaraan.

Lama oga in madaxda dowlad Goboleedyada ay aqbali doonaan shir aanu caddeyn ajendihiisa oo ka dhacaya Khadka Internet-ka iyo aalladda ZOOM-ka, iyadoo khilaafka ka dhex jira labada dhinac uu yahay mid culus, oo u baahan waqti, isla markaana muddo sanad ah aan wax shir ahi dhex marin, kadib shirkii Garowe ee lagu kala tegay May 2019.

Tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda kuwo aan u socon heshiis iyo go’aan wadajir ah oo laga qaado Doorashada Dalka, isagoo dhowaan u sheegay senatooro taageersan inuu madaxda Maamul Goboleedyada kaliya kala hadlayo Amniga.

43100cookie-checkKulanka Maanta Ee Dowlada Federaalka Iyo Maamulada Gobolada