Ma Dhabaa in Koox Burcad badeed ah ay Dooni Kaluumeysi oo Dalka Iran laga Leeyahay ay Afduubteen..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in koox Burcad badeed ah ayaa Doon kaluumaysi oo Iran laga leeyahay ka afduubtay xeebaha degmada, taasoo Mas’uul ay ka ahayeen Qanacsato Soomaali ah ayaa toddobaadkan sida ay warbaahinta u sheegeen..

Wararka ayaa sheegay in Shaqsi ka soo jeeda Degaanka Qandala oo lagu magacaabo Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah Wakiillada Doonidaasi oo ay saarnaayeen shaqaale dhan 17-Qof oo 16-Iranian yihiin halka mid Soomaali yahay, iyadoo la weydistay dhaqaale Madax furasho oo dhan 400.000 US$, iyadoo uu sheegay in falkaan uu dhacay todobaadkii hore.

Doontaan ayaa lagu magacaabaa Al-Miraaj 1, waxaana laga leeyahay Dalka Iran, iyadoo uu Maamulka Puntland uu dhaqaale ka qaato, inkastoo aysan jirin cadeymo la xiriira, hadana waxaa socda dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Ciidamada EUNAVFOR’s Howlgalka ATALANTA, Afhayeen u hadlay ayaa sheegay iney heleen macluumaadka ku saabsan AL-MERAJ 1.

Howlgalka Ciidamada Badda ee Eu-da ayaa sheegay iney si firfircoon uga shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa xaqiiqada.” Tani waxay muujineysaa khatarta soo socota ee burcad-badeedda oo ku sii fidaya xeebaha Soomaaliya, iyadoo xoogga saaraysa baahida muhiimka ah ee loo qabo xallinta iyada oo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo badweynta India.

289330cookie-checkMa Dhabaa in Koox Burcad badeed ah ay Dooni Kaluumeysi oo Dalka Iran laga Leeyahay ay Afduubteen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com