Faahfaahino Laga Helay Weerar lagu qaaday Xarun Shirkad Ganacsi ee Bosaaso

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar goob Ganacsi oo Tiro Dabley ah Xalay ku qaadeen goob Ganacsi oo ay laheyd Shirkadda Al-Macruuf Supermarket ee magaalada Boosaaso, weerarkaan oo sababay in gabi ahaanba uu gubto qeybta laga dukaameysto (Supermarket) ee shirkadda…

Wararka ayaa sheegay in Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeryooday, ilaa afar kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xarunta shirkadda ganacsiga, iyadoo Dalbeyda la sheegay iney Ilaaliyihii Xaruntaan ay Albaabka hore ku dileen, kadibna waxey tiro Bambooyin ah gudaha ku tuureen qaraxyada ka dhashay Dabka ayaa Xaruntaan baabiyay, iyadoo Gaadiidka Dabdemiska iyo Xoogaga Amaanka ay gaareen markii ay Dableydu baxsadeen kadib.

Kooxaha argagixisada ah ee Shabaabka iyo Daacish-ta Somalia ayaa weerarada lagu beegsanayo Shirkadaha Ganacsi ee ka horyimaada Baadooda ay qaadaan ka fuliya magaalada Boosaaso, Kooxahaan fariisimo ku leh Buuraha ku dhow magaalada.

249880cookie-checkFaahfaahino Laga Helay Weerar lagu qaaday Xarun Shirkad Ganacsi ee Bosaaso