Kulanka Muqdishu Iyo Saameynta Doorashada

Somalia news

Dadaalo daaha gadaashiisa ay ka hagaayeen Wakiilada Beesha Caalamka ayeey ku qanciyeen Maamulka Villa Somalia iyo maamulada Jubaland iyo Puntland iney kulmaan, oo laga doodo Qodobadii ka soo baxay Dhuusa mareeb-3, isla markaasna la isugu Tago magaalada Muqdisho, Laguna qabyo tiro…..

Waxaa laa filaayey in shirka Muqdisho ay ka soo wada qaybgalayaan dhamaan Dowlad goboleedyada, ayaa hadda waxaa muuqata in saddexdii Dowlad goboleed ee qaybta ka ahaa Dhuusmareeb-3 ay u muuqdaan kuwo aan ka qaybgalayn markii ay soo saareen war-saxaafadeed wada jir ah oo loo fahmey inay u arkaan shirka Muqdisho mid u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo labdii maamul ee ka maqnaa Dhuusmareeb 3, maadaama ay iyagu horey u saxiixeen heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Isbeddel kasta oo lagu sameeyo heshiiskaas ayaan la ogeyn inay duuduub ku qaadan doonaan, Marka dib loo fiiriyo go’aamadii labada maamul ay ku qaadaceen Dhuusmareeb-3 iyo eedaymaha ay u jeediyeen Dowladda federaalka waxaan ku soo koobi karnaa:

  1. Burburinta xukuumaddii hoggaamin lahayd doorashada
  2. Faro gelinta Dowladda Federaalku ay ku hayso gobolka Gedo
  3. Ku xadgudubka metalaada Golaha Aqalka Sare
  4. Isku gaar yeelidda Guddigii Farsamada ee lagu heshiiyey Dhuusamareeb-2.

Shirka Muqdisho qabyo-tir ?

Shirka Muqdisho ma cadda in lagu gaari doono heshiis dhameystiran hadii la isku afgaran waayo in qodobadii Dhuusamareeb-3 la faro geliyo, inkasta oo qodobada la faro-gelinaayo maamulada kale dheef mooyee aysan wax dhibaato ah ugu jirin waxaana kamid ah.

  • Guddiga doorashada in si wada jir ah loo magacaabo
  • Xisbiyada oo meesha laga saaro maadaama aysanba jirin Xisbiyo rasmi ah
  • Tirada Ergooyinka wax dooranaya

Haddaba dadka ka faallooda arrimahan ay sheegayaan in laba arrimood midkeed ay Muqdisho geyneyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

  • Wixii ka soo baxay Dhusamareeb-3 inay ahayd waxay Dowaldda Federaalku soo diyaarsatey, maamuladan kalena aysan waxba ku darsan cidda ay wax ka beddelkooda iyo wax ku darkooda kala gor-gortamayaan ay tahay cidda markii horeba soo diyaarsatey.
  • In la tago Muqdisho ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa doodii Madaxweyne Farmaajo ee ahayd inuu mar walba Muqdisho wadatashi dib ugu noqodo, taasi oo loo arkay mid uu Madaxweynaha wakhtiga ku dilayo.
57730cookie-checkKulanka Muqdishu Iyo Saameynta Doorashada