Maxaa Ka Jira In Kooxo Dilaa Ah Caasimada Laga Howl Geliyay

Somalia news

Warbxino hordhac ah oo la soo gaarisyay Diinah.com news ayaa sheegaya kooxo gacan saar la leh NISA iyo Kooxda Shababka ayaa la soo geliyay Magaalada MUQDISHU, iyadoo qorshahaan ay isla meel dhigeen Mr.Farmaajo & Adeege Fahad Yasin, waxaana loogu talo galay xiliga kala guurka in lagu khalkhal geliyo Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo Ganacsatada magaalada Muqdisho….

Warbixintaan ayaa intaasi raacineysa Kooxahaan ayaa la sheegay inuu si toos ah u maamulo Horjooge Cabdulaahi Kulane (Jiis-mareexaan), waxaana la sheegay in abaabulkoodu uu ka qeyb qaatay Horjooge Fu’aad Shongole oo tiro Maleeshiyaad kooxda Shababka ah kala soo goostay, isla markaasna ku heysta baadiyaha u dhaxeeya Gobolada Bay iyo Sh/hoose, waxaana la sheegay in tiradoodu ah dhan tahay 40-Dabley.

Kooxahaan Dilaaga u badan ayaa warbixintu tilmaamtay in dhowaan ay Magaalada ka bilaabi doonaan howlgalo dilal qorsheysan, afduub, burburin hantida Ganacsato gaar ah iyo dib u soo nooleynta idiris-sifeynta beelo gaar ah, waxaana laga digay in Ganacsatada iyo Waxgaradka ay fejignaan dheeri ah muujiyaan isla markaasna xakameeyaan dhaqdhaqaaqooda inta lagu guda jira xiliga kala guurka ah.

57770cookie-checkMaxaa Ka Jira In Kooxo Dilaa Ah Caasimada Laga Howl Geliyay