Kulanka Teendhada Afisioni Oo Waji 2-aad Yeelan Doona

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kulanka Teendhada Afisioni uu yeelan doonaa waji labaad oo la isugu soo noqon doono ugu badnaan Bil kadib, kadib markii wada tashiyo la geliyo…

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Heshiis hordhaca ah uu berito soo bixi doono, kaasoo noqon doona mid lagu bilaabayo doorashada, inkastoo Weli ay taagan tahay Xiisadaha Gobolka Gedo iyo Ciidamada la geeyay.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in Doorashada Seneterada marka hore bilaabi doono sida ugu dhakhsiyaha badan, kadibna kan Xildhibaanada Baarlamaanka, Arimaha aan hada heshiis buuxa laga gaarin,waxay noqon doonaan kuwo layskugu soo laaban doono,iyadoo uu socdo hanaanka doorashada.

Hogaamiye kooxeedka soo daahay (Farmaajo) ayaa la sheegay inuu saluugsan yahay Sida loo maareynaayo Kulanka Teendhada Afisioni, wuxuuna si hoose u wadaa ababul lagu kicinaayo Shacbiga Magaalada Mogadishu si tirada 13-ka Xubnood ee Gobolka Benadir loogu soo daro wada xaajoodka, ujeedadiisu ayaa ah inuusan guuleysan Kulanka.

120700cookie-checkKulanka Teendhada Afisioni Oo Waji 2-aad Yeelan Doona