Share the post "Kulankii Saraakiisha Xoogaga Hubeysan & Guddiga Xalinta Xiisada Caasimadda"
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan shalay galab ka dhacay degaanka Marinaayo oo ka mid ah Fariisimada Xoogaga Hubeysan ee Ka dhiidhiyay muddo Kordhinta, Hogaanka Midowga Musharixiinta iyo qeyb ka mid ah Guddigii isku dhafka ahaa ee uu magacaabay Rooble, una matalaayay Midowga Musharixiinta…
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay 7-xubnood oo wakiil ka ah Saraakiisha Xoogaga Hubeysan halka dhinaca kale ay ka qeyb galeen Madaxweynayaashii hore iyo Guddiga Wakiilka ah dhanka Mucaaradka, waxaana diirada diirada lagu saaray sidii loo soo celin lahaa Shacbigii ka barakacay guryahooda, sidii dib loogu celin lahaa Ciidamada ka soo baxay Aagaga Dagaalka iyo in Caasimadda xaaladeeda amaan loo xasilin lahaa.
Madaxweynayaashii hore ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada uga mahad celiyay iney Dalka ka badbaadiyeen fowdo oo ay ka hortageen xadgudub ay Koox yar rabtay iney ku sameyso Dastuurka Dalka, waxeyna ka codsadeen inaan la dhumin natiijadii wanaagsaneyd Ee laga gaaray talaabooyinkii la qaaday, waxeyna sidoo kale ka codsadeen in Wasiirka 1-aad loo fududeeyo Howlaha loo igmaday Ee Doorashada iyo Amaanka.
Kulankaasi doodii ugu adkeyd waxey aheyd laba qodob:-
-In Rooble Laga keeno balanqaad adag oo la xiriira In la bedelo Taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka Boliiska iyo NISA.
-In Dhamaan Ciidamada is horfadhiya laga wada saaro Magaalada si dadka ugu soo laabtaan guryahooda.
Saraakiisha ayaa uga digay Guddigaan in laga digtoonaado khiyaanada Farmaajo, isagoo adeegayaashiisa suuqa soo geliyeen inuusan musharax aheyn si Ciidamada Mucaaradka looga saaro Caasimadda oo Maleeshiyaadkiisa mar 2-aad si fudud loogu gacan geliyo iyadoo la adeegsanaayo Adeegayaal ay ka mid yihiin Rooble, Cabdiqeybdiid, Qorqor iyo Guudlaawe.