Maxaa Sababay Fashilka Ku Yimid Dhaqaale Ururintii Uu Farmaajo Weydistay Shacbiga

Somalia news

Farmaajo ayaa maalmaha wajahaaya Guuldarooyin Siyaasadeed mid Ciidan iyo Yabooh uu weydistay Taageerayaashiisa iney dhaqaale qaaraan ah u soo uruuriyaan Dowladda Federaalka kadib markii Daneeyayaasha maalgeliya Maamulkiisa ay ka jarteen dhaqaalihii…

2-Todobaad ka hor Ayaa Ra’isul wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Xukuumada Xil gaarsiinta ayaa kulamo la yeeshay Horjoogayaasha Kooxaha taageersan Siyaasada qar iska tuurka Farmaajo waxaana la weydiistay Qaaraan in laga soo uruuriyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool Dalalka reer galbeedka, kuwa Carabta iyo Africa,kadib markii dhaqaalihii lagu taageeri jiray oo dhameyd 80% Miisaaniyada Dowladda Federaalka.

Nasiib darro Talaabadaasi waa shaqeyn weysay, iyadoo Accounts-kii la furay ay ku soo dhaceen lacago aad uga hooseeya rajadii la filaayay, waxeyna ku qasabtay in la xiro, hadaba maxaa keenay in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka gaabsadaan codsiga Maamulka gaar ahaan ganacsatada iyo Dadka shaqeeya.

Waxaa ku soo koobeynaa 6-sababood iney horseedeen in laga baaqsado kuwaasoo kala ah:-

-Sharciyadii oo ka dhamaatay Farmaajo, iyadoo la sheegay in aan lagu aamini karin dhaqaale.

-Maamulka Farmaajo oo aan muddo 4-sano ah sameynin Xisaab celin dhaqaalihii soo galay Dowladda Federaalka, markii ay Guddigii Baarlamaanka isku dayeen Xilalkii Ayaa Gudoonka Baarlamaanka ka qaadeen iyadoo lagu bedelay kuwo Dowladda taageersan.

-Mushkilada Dhaqaale xumida oo Maamulka gacmihiisa ku abuuray kadib markii diiday inuu qabto Doorasho dadban oo wadar oggol ah ayaa laga jartay dhaqaalihii lagu taageeri jiray, taasoo horseeday iney sagxada soo taabtaan.

-Aaminaada lagu qabo Hogaanka Siyaasada iyo maareynta Maaliyada Maamulka oo aad u hooseysay, waxaana lagu eedeeyay Musqmaasuq iyo eexo, Shaqsiyaadka Xilalka qabta oo si fudud ku taajira boobana Hantida Qaranka.

-Waxqabad La’aanta dhaqaalihii ku soo dhacay Qasnada Dowlada, iyadoo sanad kasta lagu taageero Boqolaal Millions oo US$ ah, mana muuqato inuu wax weyn ka qabtay Kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka.

-Xiliga uu ku soo aaday Codsiga Yabooha dhaqaale uruurinta, Waxaa marqaati ma doonto ah in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu kala qeybiyay Shacbiga Soomaaliyeed, inkastoo hadii uu Yaboohaan ka weydiisan lahaa Shacbiga markii uu xilka qabtay waa lagu taageeri lahaa laakin hadda oo Hubkii iyo Keydkii Saanada Ciidamada uu u raray Gobolka uu ka soo jeedo, waxey caddeyn u tahay inuu raacay raadkii adeerkiis oo Maankiisu ay ka guuxeyso Dhaqan kaliye.

116790cookie-checkMaxaa Sababay Fashilka Ku Yimid Dhaqaale Ururintii Uu Farmaajo Weydistay Shacbiga