Kulankii Xildhibaanada Oo Furmay

Somalia news

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo furay fadhiga Xildhibaanada ayaa qaaday sadex talaabo oo ku aadan arrimaha fadhiga, waxaana uu amray in dhammaan Saxafadda gudaha lasoo gasho iyo in laga saaro Mudanayaasha Aqalka Sare ee kalfadhiga soo xaadiray, wuxuu sheegay in mudo kororsi aysan u fadhiyin goobta….

Xogta aan helnay waxay kaloo tilmaamaysaa in baarlamaanka, ka dib khudbad jeedinta Madaxweynaha ay yeelan doonan fadhi gaar ah oo ay uga hadlayan arrimaha doorashooyinka ee dalka, si gaar ahna waxyaabaha hortaagan heshiiskii ay Ansixiyen bishii September, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii xal loo gaari lahaa.

Fashilka wada hadaladii Dhuusa mareeb & Qodobadii ay dhinacyadu isku mari wayeen-ba waxay muujinaysaa walaaca la qabo ee doorashada, mucaaradka qaarkood ayaa ka walaacsan talaabooyinka Dowladda Faderaalka.

https://fb.watch/3ubH66Wiz0/

92600cookie-checkKulankii Xildhibaanada Oo Furmay