Ururada Bulshada Rayidka Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Dalka

Somalia news

Ururada Bulshada Rayidka ayaa qoraal ka soo saaray xaalad Siyaasadeed Iyo Amaan ee Dalka, kadib markii uu fashilmay wada hadaladii maalmahaan ka socday Magaalada Dhuusa mareeb Ee ku Aadan Doorashooyinka lagu waday in laga qabto Dalka Sanadkaan…

Waxey ku baaqeen in la tixgeliyo xaalada adag oo xiligaan Dalka ku sugan yahay, waxeyna ugu baaqeen in la badbaadiyo Dalka iyo nidaamka Dowladeed ee curdanka ah, isagoo sidoo kale uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka ineysan uga sii darin, islamarkaana uusan qaadan go’aan hal dhinac ah.

Waxeyna soo jeediyeen talo 4-qodob oo ay u arkaan inuu xal u yahay Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada, kuwaasoo kala ah:-

-In kulan deg deg ah la isugu yimaado si xal looga gaaro Khilaafka jira.

-In Xildhibaanada Labada aysan xiisada ka sii darin oo uusan sii kala fogeyn xaalada cakiran

-Hogaamiyayaasha Siyaasadeed, Xisbiyada Mucaaradka iyo kuwa Rayidka ay qeyb ka noqdaan dadaalada xalka loogu raadinaayo Khilaafka Doorashada.

-In aan la dhiiri gelin hurin colaad sokeeye.

92550cookie-checkUrurada Bulshada Rayidka Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Dalka