Maxaa ka Dhab ah Xiriirka iyo Kulamada Qarsoogida ah ee dhexmaray Somalia iyo Israel..

Somalia news

Warbaahinta Dowladda Israel ayaa baahisay qorshe ay sheegeen in Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee dalkaasi ay ku dooneyso inay xiriir kula yeelato Somalia, iyagoo sheegaya inay kulamo dhexmareen Madax sare oo ka kala socda Somalia iyo Israel…

Warbaahinta Yuhuuda ayaa intaas ku dartay inay qorshaha xiriirka labada Dal uu salka ku hayo heshiiska Abraham kaasoo fure u ahaa in uu hagaago xiriirka Israel ay la leedahay Imaaraatka Carabta, Baxreyn, Morocco sanadkii 2020kii, Heshiikaas oo Madaxda Falastiin ay ku tilmaameen inuu yahay “Qiyaano” ayaa balaariyay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan ganacsi iyo isu-socod ee dalkaas ay la leeyihiin Israel.

Inkastoo heshiiskaasi ayaa Dowlada Yuhuudu uu ku qasbaayay iney hakiso qorsheha muranka dhaliyay ee ay ku qabsaneyso qeybaha cusub oo ka mid ah dhulka daanta galbeed ee Falastiin, Sida uu faafiyay wargeyska Israel ee Israel Hyaom, waxaa qorshaha balaarinta heshiiska Abraham 2020 kaalin weyn ku leh Xoghayaha Arrimada Dibeda ee Mareykanka Antony Blinken oo asalkiisu Yuhuudi ah, La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Mareykanka Jake Sullivan, iyo Ergayga gaarka ah ee Amos Hochstein.

Xiriirka Somalia iyo Israel 

Labada Dal waligood ma yeelan xiriir diblimaasiyadeed, iyada oo Somalia ay ka mid ahay Dalalka ugu mayalka adag ee sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin ilaa berrigii xorriyada, inkastoo Maamulka xiligaan ee Villa Somalia lagu xanto inuu kulamo iyo xiriir qarsoodi ah la yeeshay Saraakiil ka tirsan Maamulka Yuhuuda, kii (Farmaajo) ka horeeyay uu la kulmay, haddan ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay Dhinacyadaan.

276580cookie-checkMaxaa ka Dhab ah Xiriirka iyo Kulamada Qarsoogida ah ee dhexmaray Somalia iyo Israel..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com