Lafta Gareen Oo Baydhabo U Ambabaxay Si uu Doorasho U Qabto

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu Ayaa sheegay in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu goordhow u ambabaxay Baydhabo, todobaadyo uu ku sugnaa Muqdisho kaddib, islamarkaana ka qeyb qaatay Kulamo wada tashi ah…

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Koofur Galbeed uu noqonayo maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, sababta safarka Madaxweyne Lafta Gareen qeyb ka tahay bilaabida doorashada.

Madaxweyne Lafta Gareen oo horey u sheegay inuu qaatay door dhexdhexaadin ah, si loo xalliyo tabashooyinka jira, waxaana uu xiriiro la sameeyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland, iyadoo dad uu la hadlay Madaxweyne Lafta Gareen uu u sheegay in meel wanaagsan u marayo dadaalada u wado.

86300cookie-checkLafta Gareen Oo Baydhabo U Ambabaxay Si uu Doorasho U Qabto