Shirkada FlyDubai Oo Joojinaysa Duulimaadyadii Hargeysa

Somalia news

Shirkada Diyaaradaha FlyDubai ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go’aansatay iney joojiso duulimaadyadii todobaadkiiba 3 cisho ay ku tegi jirtay magaalada Hargaysa, kadib markii Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto…

Mareeyaha Hay’ada Duulista iyo Garoonka Hargeysa Cumar Sayid Cabdullaahi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkada FlyDubai, ay go’aansatay iney joojiso gabi ahaanba duulimaadyadeedi Hargaysa kadib markii, xukuumada Somaliland ay ku amartay in ay yarayso duulimaadyadeeda.

“Madaama oo jilaal lagalay oo rakaabku hoos u dhacayo, waxaanu dib u qaabaynay duulimaadyadii, waxaanu siinay shirkada FlyDubai laba duulimaad, sidookale waxaanu siinay shirkada AirArabia laba duulimaad, Daallo na laba duulimaad, laakiin shirkada FlyDubai ayaa nagu soo celisay in madaama aad laba duulimaad nasiiseen in aanu duulimaad yadii joojin doono, waa go’aan iyaga u gaara” ayuu yiri.

Dhamaan shirkada kale ee ka howlgala Garoonka Cigaal ee Hargaysa ayaa aqbalay dhimista lagu sameeyay safaradooda marka laga reebo FlyDubai sida uu maareeyuhu sheegay.

147340cookie-checkShirkada FlyDubai Oo Joojinaysa Duulimaadyadii Hargeysa