Maamulka Xasan Sheekh Oo Cod Ku Taageertay Maamulka Abiy ee Ethiopia

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Maamulka Xasan Sheekh ee Somalia ay codkooda ku taageereen in la aqbalo soo jeedintii Dowladda Ethiopis ee ahayd in dhaqaalaha laga jaro Golaha UN-ka ee Human Rights ee baareysay dembiyada xadgudubka ee ka dhacay Gobolka Tigray…

Waxay ahayd nasiib darro in Somalia ku taageerto Maamulka Abiy ee Ethiopia dadaalkeeda ay ku daboolayso tacdiyadii dhacay sannadka 2022 Gobolka Tigree, Balse Nasiib wanaag Itoobiya,waa looga adkaaday codeyntii!

Dowladaha Xubinta ka ah Golaha UN-ka ee Xuquuqda Aadanaha oo cod u qaaday sidii looga hor joogsan lahaa in aan baaris lagu sameynin tacadiyadii ka dhacay Dagaalka Gobolka Tigree, iyadoo 74 cod lagu diiday halka 32-Dal ay oggolaadeen waxaa ka aamusay 50-dal.

234400cookie-checkMaamulka Xasan Sheekh Oo Cod Ku Taageertay Maamulka Abiy ee Ethiopia