Wasiirka Dastuurka Oo Beeshiisa Ku Abaabulaaya Duulan ka Dhan Ah Shababka Balse..

Somalia news

Inta badan Degaannada dhaca Konfurta Galgaduud oo dhowr iyo toban sano ku jira gacanta Kooxda argagixisada Shabaabka, hayeeshee kacdoon shacab oo ka billowday Cadaado iyo Baladweyne, lana filayo inuu ku faafo inta badan gobollada dalka, ayaa Beelaha degen Ceelbuur, Galhareeri, Ceeldheer iyo Ceelgaras lagu dhiiragaliyay iney hubka qaataan…

Iyadoo Magaalada Mogadishu ay si xowli ah uga socdaan kulamo wada tashi ah oo wada leeyihiin Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Dhalinyarada hoggaan u noqdaan abaabulka iyo kacdoonka shacabka ayaa la isku raacay in laga dhabeeyo duufaanta Shabaab diidka ah ee iskeed u abuurantay.

Wasiirka Dastuurka & Cadaalada oo shalay Kulan isugu keenay Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada iyo Dhalinyarada beeshiisa, ayaa lagu qabtay magaalada Mogadishu, waxaana looga hadlay sidii hadlay sidii Halganka Socda looga qeyb qaatan lahaa abaabul beeleed isla markaasna loo xoreyn lahaa Degmooyinka Ceelbuur iyi Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan kooxda argagixisada Shababka.

Balse Wasiirka ayaa wajahay Su’aalo iyo cabasho ay Beeshu ka qabto Maamulka Xasan Sheekh ee ku aadan Saami qeybsiga Xilalka Wasaaradaha iyo Darjooyinka Ciidamada, iyagoo ku eedeyay Madaxweynaha inuu Shaqsiyaad beesha u dhashay Balse Madaxweynaha taageersan uu u xushay, taasina aan la aqbli karin.

214300cookie-checkWasiirka Dastuurka Oo Beeshiisa Ku Abaabulaaya Duulan ka Dhan Ah Shababka Balse..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com