Leyli Duuliyihii Shilka Diyaaradeed ku Geeriyootay Lagu Aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Langata..

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shilkii Diyaaradeed oo maalintii Talaadada ka dhacay Meel ka baxsan Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport, gaar ahaan Aaga National Park, kadib markii ay isku dhaceen Laba Diyaaradood oo noocoodu kala ahaa Cesna Plane iyo Dash-8…

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarada Cesna ay saarnaayeen Gabadh magaceeda lagu sheegay Leyli Duuliye Mariam Yusuf Omar 20-sano jir aheyd Macallinka uu ahaa Captain Newton Omote Mokaya 26, Diyaaradooda ayaa shil ku gashay Diyaarad Dash 8 5YSLK oo ay saarnaayeen 44-Dalxiisayaal ah, diyaaradaan ayaa dib ugu degtay garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport.

Maamulka baarista Shilalka diyaaradeed ee Kenya oo baaris hordhac ah soo saaray waxeyna ku sheegeen in Baaritaanka meydka Mariam lagu ogaaday inay u dhimatay dhaawacyo badan ja-jab xoog leh oo ay ku jiraan feeraha jaban, xangulada, iyo gacmaha, Waxaana Marxuumada lagu aasay Qabuuraha Muslimka ee Langata, halka Meydka Mokaya wuxuu sugayaa baaritaanka (Autopsy) iyo qabanqaabada aaska.

312940cookie-checkLeyli Duuliyihii Shilka Diyaaradeed ku Geeriyootay Lagu Aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Langata..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com