Hey’adda Heritage Oo Beeniyay iney Buunbuuniyeen Meeqaamka Maamulka Waqooyiga ee Somaliland..

Somalia news

Agaasimaha Hey’adda Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Mr Mursal Saney ayaa beeniyay in Hay’addu tahay mid cilmi-basriseed ah isla markaasna aan u ololeynin in Maamulka Waqooyiga inuu noqdo mid ka go’an Dalka intiisa kale…

Wuxuuna intaasi raaciyay in mowduuca Machadka Heritage Annual Confrence wuxuu ahaa afka Soomaaliga, laakiin dagaalkii dhexmaray Xoogaga SSC iyo kuwa Somaliland uu keenay isbeddel mawduuc ah oo xoogga lagu saarayo nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaalida.

Waxaa nalagu eedeeyay inaan horumarinay wada-hadallada Somaliland annagoo ah cid gaar ah [oo wakiil ka ah Waqooyi], laakiin ma aannu qaadan habkaas” ayuu yiri Saney, wuxuu ku tilmaamay shirka Djibouti ee uu martigeliyay Madaxweyne Geelle inuu ahaa wadahadal dhab ah oo ku saabsan midowga.

“Balse si lama filaan ah ayay Somalia u wajahday weerar halis ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda kadib heshiiskii is-afgaradka badda ee lagu saxiixay Addis Ababa, Isbeddelka xaaladdu waxa uu soo dedejisay isbeddelka erey-bixinta, Hadda kadib Somaliland uma yeereyno, Waxaan u naqaannaa maamulka Waqooyi Galbeed-Somaliland”.

312910cookie-checkHey’adda Heritage Oo Beeniyay iney Buunbuuniyeen Meeqaamka Maamulka Waqooyiga ee Somaliland..