Dowlada Kenya oo Welwel ka Muujisay Dhalinyarada Dalalka Deriska oo Maleeshiyo ahaan Shababku u Qoranaayo…

Africa News

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Dowlada Kenya ay welwel ka muujisay kororka Dhalinyarada Dalalka Bariga & Bartamaha Africa ee ku biiraaya Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shababka, kuwaasoo tababaro iyo khidadaha dagaalka lagu siiyo Degmooyinka ka tirsan Gobolka Jubada dhexe…

Warbixinta ayaa daaha ka rogtay in tirada Dhalinyarada Dalka Tanzania ay noqotay kuwaaad u daneeya iney ku biiraan Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo markii saddexaad oo sidan oo kale ah loo xiro tiro ajaaniib dooneysay iney qortaan muddo bil gudaheed ah, Qaar ka mid ah Ajaaniibta ku biiraya kooxaha argagixisada sida Shabaab iyo Daacish ayaa loo isticmaalaa weerarada is qarxinta.

Saraakiisha Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in tirada dadka Kenyaanka ah ee tagaayay Dalja Somalia ay hoos u dhaceen, kadib markii ay ogaadeen in lagu khiyaamaynayo ballanqaadyo lacageed iyo taageero qoys, iyadoo Nin u dhashay dalka Uganda oo dhawaan lagu xiray magaalada Libooye isagoo ku sii jeeday magaalada Jilib, Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in arrintan ay ku suuragashay wadashaqeyn dhexmartay hay’adaha Amniga iyo Bulshada.

266530cookie-checkDowlada Kenya oo Welwel ka Muujisay Dhalinyarada Dalalka Deriska oo Maleeshiyo ahaan Shababku u Qoranaayo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com