Hey’adaha Amaanka Oo Eedo ku soo Oogay 16-Eedeysane oo la Xiriiriyay Weerarkii Hotelka SYL..

Somalia news

Hey’adaha Amaanka ee Dowlada Federaalka ee gacanta ku haya baaritaankii weerarkii koox ka tirsan argagixisada Shabaabka ay ka geysteen Hotel SYL magaalada Muqdisho taariikhdu markey ahayd 14 Maarso 2024 ayaa soo qabtey 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas…

Saraakiisha Baarista NISA ayaa sheegtay in ay ku guulaysateen in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa qofkii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gaadiidkii falka argagixiso lagu gaystay weerarka Hotel SYL, Sidoo kale Eedeysanayaasha la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo 4 qof oo ku eedeysan iney lahaayeen labada Gaari ee kooxda argagiixisada ah u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Warbixinta Guddiga Baarista ayaa lagu sheegay in baaris ay ku socoto ilaa 5-Eedeysane oo ka tirsan Ciidamada Amaanka kuwaasoo ka howlgalaayay goobaha gaadiidka lagu baaro ee Kooxda Maleeshiyaadka Shabaabka ay ka soo gudbeen habeenkii weeraku dhacay.

Dhawaan ayaa Shabakadda argagixisada ah ee la qabtay iyo Eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskaan waxaa loo gudbin Laamaha Garsoorka si loogu qaado dembigii ay galeen, waana markii ugu horeysay muddo 14-sano oo baaris fal dhacay Tuhmanayaal loo qabto.

316840cookie-checkHey’adaha Amaanka Oo Eedo ku soo Oogay 16-Eedeysane oo la Xiriiriyay Weerarkii Hotelka SYL..