Loolanka Musharixiinta ee Doorashada iyo Saameynta Dhaqaale

Somalia news

Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, waxay todobaadyada soo socda bilaabi doonaan soo saarida magacyada musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare, oo tiro ahaan ka kooban 54 xubnood, laakiin ay ku tartamayaan tiro ka badan 120 xubnood, maadaama Kursi kasta ugu yaraan lagu qorayo tiradda Musharixiin ah oo u dhaxaysa 2 ilaa 4 Musharax…

Warbixinada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in degaanada ugu badan ee ay dooduhu hareyn doonaan & tartanka culus, ayaa noqon doona Baarlamaanada Galmudug, Hir-Shabelle iyo Puntland, iyadoo uu shalay Baarlamaanka Jubbaland macalin u noqday Baarlamaanada kale ee maamul gobaleedyada.

Sida ka muuqatay Tartankii 4-kursi ee Baarlamaanka Jubbaland u codeeyay shalay, ma jirin dhaqaale buuran (bun-sharuur) oo lagu kala adkaaday, balse Musharixiinta ayaa la sheegay iney bixiyeen dhaqaale yar oo kooban, iyadoo ay ugu wacan tahay tartanka Musharixiinta oo la xakameeyay lana soo xulay.

Ishaaru sida ay tilmaameyso Musharixiinta Galmudug iyo Puntland Ayaa Sanadkaan laga yabaa iney noqdaan suuqa ugu qaalisan ee waxa lagu kala iibsan doono, lagana cabsi qabo in Galmudug uu dhiig ku daato, marka loo fiiriyo diyaar garowga adag Ee dhinacayada isku haya loolanka.

132120cookie-checkLoolanka Musharixiinta ee Doorashada iyo Saameynta Dhaqaale