Is-Xulafeysiga Farmaajo Iyo Kheyre Oo Gabaabsi Ah

Somalia news

Waa Iska Caadi in Marka la soo gaaro Dhamaadka Muddo xileedka in dhabarka la Is-xijiyo, iyadoo muddadii uu xilka Hayay Mr.Farmaajo uu Xubno badan oo Taageerayaal muhiim ah u ahaa uu daaqada ka xiray….

Maxaa Sababay:-

Maadama uu yaqiinsaday Mr.Farmaajo inuu cagta saaray Wadada Fashilka, isla markaasna uu kaaliyayaashiisa ugu xog waramay in Fashilka Maamulkiisa uu Mas’uul ka yahay Wasiirka 1-aad, isla markaasna uu u sheegay inuu mudooyinkii ugu dambeeyay carqaladeyn iyo abuuris garab (Xubno) isaga taageersan, taasoo ku qaadatay wakhti inuu kala daadiyo.

Maxaa u Qorshe ah Farmaajo:-

Mr.Farmaajo oo Ku guuleystay inuu Hanto Hogaanka Gudoonka Golaha Barlamaanka, ayuu bilaabay inuu u minguuriyo Qodobo ka turjumaaya rabitaankiisa, wuxuuna si naf-la-caarinimo ah isku tusay iney Qorshihiisa ay ku hogaamin karto ku shubaasho Doorashooyinka dooda nagu Soo haya, ama ugu yaraan uu muddo kororsi gaaban (1-2 sano) loogu kordhiyo muddo xileedkiisa si uu boobka Dhaqaalaha wakhti ugu helo.

Khilaafka Labada Nin:-

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Farmaajo Iyo Kheyre aysan isku mowqif iyo aragti ka aheyn Doorashooyinka 2020/21, isla markaasna uu Wasiirka 1-aad u xaqiiqsaday in xiligaan la qaban karin Qof iyo Cod, hase yeeshee Mr.Farmaajo ayaa qaba iney dhici karto Doorasho ama ugu yaraan muddo kororsi loo sameyn karo, waxaana la qaba Danjiraha USA ee Muqdisho.

Dad badan ayaa is-weydiinaya hadii aysan Khilaafka was ka jirin, muxuu u kaxeeyay Mr.Farmaajo Wasiirka 1-aad iyo Gudoomiyaha Barlamaanka, isla markaasna ugu daray Guddiyada wada Xaajoodka ee Somalia iyo Somaliland.

Siyaasada Somalia kuma cusba Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa 1-aad dhamaadka muddo xileedka, waxaana jira culeysyo kaga imaanaaya Wasiirka 1-aad Marwada Madaxweynaha, iyadoo ku adkeyneysa inuusan dhisin xisbi kale, Warar kale waxey sheegayaan in Mr.Kheyre inuu damac uga jiro xilka uu hayo Mr.Farmaajo.

43880cookie-checkIs-Xulafeysiga Farmaajo Iyo Kheyre Oo Gabaabsi Ah