Ma Dhabaa in Dhaqaale Cusub lagu Soo Rogay Dadka Socotada Soomaalida ah ee UK ka Baxaaya..

Somalia news

Dulucda Warka: Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhibaato qabsatay Qoys ka kooban (5-Carruur ah iyo Hooyadood) kuwaasoo qorsheystay iney Magaalada Muqdisho u safraan, iyagoo markii ay soo galeen qeybta @qatarairways lagu wargeliyey in aanay la siin karin Kaarka Broading maadaama aanay warqad caddayn ah ka haysan Safaarada Somalia ee U.K..

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Saraakiisha Safaarada Soomaalida ay soo saareen shuruudo ay dhaqaale ku uruursanayaan, waxeyna soo rogeen in 100-UK£ laga qaado Qofkii u dhoofaya Somalia, talabadaan ayaa horseeday jahawareer & niyad jab baahsan oo soo wajahday Muwaadiniinta Somali/British-ka ah ee qorsheynaya inay u safraan Dalkooda, Waxay u muuqataa in Dadka ka tagaaya U.K ee una socda Somalia ay hadda iyo wixii ka dambeeya ay ku qasban yihiin inay Safaaradda Somalia ka helaan Waqrad ay ku baxeyso Lacag dhan £100.

Waxaa intaasi sii dheer, marka aad ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Dadka socotada ah ayaa hadda laga rabaa iney bixiyaan lacag fiisaha oo dhan $60+15 oo dheeraad ah, Amaradaan cusub ee la soo rogay kaliya walaac ma dhalin ee sidoo kale waxay soo kordhiyeen culeys dhaqaale oo weyn oo saaran Muwaadiniinta qorsheynaya inay booqdaan Dalkoodii hooyo xiliga Xagaaga.

Boobka iyo Isbaarooyinka ku dhisan Dhaqaale uruursiga Maamulka Villa Somalia oo mashruucaan la sheegay iney gadaal ka riixayaan iyo Caddeyn la’aanta ka timid @WasiirMOFA ee ku saabsan shuruudaha safarka ayaa kaliya sii xoojisay niyad-jabka Dadka safarka ah, Waa lagama maarmaan in Wasaarada si degdeg ah arrintan wax uga qabato oo ay bixiso habraac hufan si loo yareeyo jaahwareerka.

Socotada Soomaalida, waxaa lagu wargelinayaa iney hubiyaan inta aysan goosan Tikidhada diyaaradaha, fadlan iska hubiya oo la xiriira Shirkadda Diyaaradaha si aad u xaqiijiso inaad aad u safri karto #Soomaaliya hadii wiifto cusub oo lagu soo kordhiyay Canshuuro ama wax shuruud ah oo dheeri ah si aadan khasaare dhaqaale mid niyadeed aadan ugula kulmin.

260440cookie-checkMa Dhabaa in Dhaqaale Cusub lagu Soo Rogay Dadka Socotada Soomaalida ah ee UK ka Baxaaya..