Madaxda IGAD oo ka Tashanaaya Dhimista Tirada Ciidamada ATMIS-ta si loo Adkeeyo Guulaha Amaanka..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ayaa sheegaya kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynayaasha Djibouti & Kenya ayeey ku gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la isku waafajiyo dhimista Ciidamada Gobolka (ATMIS) ee ka howlgala Somalia iyo Awooda Ciidamada Dowladda ee Amaanka ee Dalka..

Labadaan Madaxweyne oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Djibouti ayaa u muuqday kuwo soo jeediyay inaysan taageeri doonin soo jeedin kasta oo lagu joojinayo xilliga ciidamada ka jooga Somalia, iyadoo aan la xaqiijin karin inay Dalkaasi awood u leedahay inay si hufan uga hortagto Argagixisada Shabaabka.

Iyadoo la tix-raacayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2670, Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Somalia (ATMIS) ayaa la filayaa in la dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro bisha June 30-keeda, si xilka loogu wareejiyo Mas’uuliyadaha Amniga ee Ciidamada Dowlada Federaalks si loo fuliyo Qorshaha kala guurka ee Dalka.

Madaxdaan ayaa sheegey “Anagoo ah Madaxda Dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) waxaan isla garannay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Somalia, iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen AMISOM/ATMIS.”

260410cookie-checkMadaxda IGAD oo ka Tashanaaya Dhimista Tirada Ciidamada ATMIS-ta si loo Adkeeyo Guulaha Amaanka..