Garsoore Kenyan ah Oo Xukun ku Riday Dowlada Federaalka Bixisan Dhaqaale Dhan…

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaareya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Garsoore ka tirsan Maxkamadaha Dalka Kenya uu Xukunnku riday Dowlada Federaalka Somalia, kadib markii Muran uu soo kala dhex galay Shirkad Dhisme iyo Safaarada oo Qandaraas la siiyay…

Sida ay daabacday Wargeysyada Dalkaasi, Garsoorka Maxkamada ayaa xukmiyay in Dowlada Federaalka Somalia ay bixiso dhaqaale dhan US$ 165,551, oo magdhow ahaan u siiso Shirkadda Kingsley Construction Limited, Xukunkaan ayaa ku xusan in kadib markii Safaarada Somalia ku guuldareysatay iney ka soo jawaabto Barwo loo diray iney ka soo jawaabaan.

Xeerbeegta Kenya, ayaa loo gudbiyay sanadkii 2019-kii dacwad ku saabsan qandaraas la siiyay sanadkii 2016-kii kuna saabsanaa dayactir dhismaha Safaarada, Mashruucaan ayaa ku kacaayay dhaqaalw dhan US$ 381,487, hase yeeshee is-maandhaaf soo kala dhex galay Shirkada iyo Safaarada ay horseeday in gebi ahaan la baa’biyo mashruucaan.

Bishii Juun 2020-kii ayeey Xeer-beegto ku celiyeen Saraakiisha Shirkadda Kingsley Dacwada ka gudbisay Safaarada Somalia, taasoo la sheegay iney ku qasabto Shirkadda iney u rogto mid ay ku eedeysay Dowladda Federaalka, bacdamaa ay xasaanad Diblomaatig ah leeyihiin Saraakiisha Safaarada.

260470cookie-checkGarsoore Kenyan ah Oo Xukun ku Riday Dowlada Federaalka Bixisan Dhaqaale Dhan…