Taageerayaasha Farmaajo Ee Baraha Bulshada Oo Qorshayaal Naxdin leh Diyaarsaday

Somalia news

Tan iyo 15-kii bishaan markii lagaga guuleystay Doorashada xilka Madaxweynaha Mr.Farmaajo, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Wajiyada dhabta ah ee taageerayaashiisa (CBB), iyagoo baayo xambaarsan hanjabaado dilal iyo is-miidaamin soo dhigaaya Baraha bulshada..

Taageerayaashaan oo u badan qurba joog iyo kuwo ku nool Dalalka Somalia deriska la’ah iyo Khaliijka, ayaa waxaa maalmahaan aad u soo kordhaaya muqaalo laga naxo, iyagoo qaarkood ku hanjabaaya iney is-qarxinayaan ama dab ku shidayaan Shacbiga Magaalada Mogadish, halka qaar kale ay sii wadaan dacaayadaha beenta ah ee ay ka faafinayaan Madaxweynaha cusub.

https://www.facebook.com/100076966453062/videos/1406082796487321/?sfnsn=mo

Kooxahaan abaabulan oo mudadii 5-ta sano aheyd laga hagaayay lagana maalgelinaayay Villa Somalia, ayaa la yimid dhaqan xumo Siyaasadeed iyo mid bulsho, waxeyna qaarkood Farmaajo ugu yeeraan ”Aabe”, waxeyna gaarsiiyeen in shaqsiga ay taageersan yihiin xad ka bax Diinta iyo Dhaqanka suuban ee Somalia, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha ay ka soo jeedaan Kenya kuwaasoo dhaqaale lagu siinayay Aflagadeynta Madaxda iyo Shacbiga magaalada Mogadishu.

https://www.facebook.com/742346877/posts/pfbid02QNMYRVsXnGsKbF4umAh58ZBGzyGvGMWHCRkLqodNru2ihDdM3pqdeGHXpPjBKCmDl/?d=n

189950cookie-checkTaageerayaasha Farmaajo Ee Baraha Bulshada Oo Qorshayaal Naxdin leh Diyaarsaday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com