Deni Oo Shaqada KaJoojiyay Taliyihii Xoogaga Daraawiishta Puntland & Sababta…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan oo muddo soo jiitamaayay una dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo Taliyihii Xoogaga Daraawiishta Puntland, salka ku hayay arrimo badan oo is biirsaday, ayaa horseeday in shaqada laga joojiyo Taliyaha…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in hoyga Taliyihii Daraawiishta Puntland Gen.Abshir London ay dhawaan Ciidan hubaysan oo Madaxtooyada u daateen isla markaana hub iyo agab ciidan oo uu ku jiro Gaarigiidii ka qaateen, iyadoo Shaqa joojinta ay ka horraysay in dhamaan xuquuqdii iyo mushaarkii laba Todobaad ka hor laga jaray Gen. London oo aan weli xilka laga qaadin.

Wararka ayaa intaas raacinaaya in khilaafka Saciid Deni iyo Abshir London uu markii hore ka bilowday hab-maamulka hoggaaminta ciidamada Daraawiishta Puntland iyo dagaalka magaalada Garoowe ka dhacay, Intaasi kadib Gen. London oo weli haya xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta ayaa dalka isaga baxay waxaana ugu dambeyn laga joojiyay shaqadii.

268420cookie-checkDeni Oo Shaqada KaJoojiyay Taliyihii Xoogaga Daraawiishta Puntland & Sababta…