Ma Dhabaa in Dowladda Djibouti ay Albaabada u Laabtay Xafiiskii Somaliland ee Djibouti..

Somalia news

Kadib markii Siyaasada qar iska tuurka Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland uu u saxiixay Heshiiska Is-fahamka ee Ethiopia uga kireeyeen 50-sano Degaanka Lughaya iney ka dhistaan Dekad ay isticmaalaan Ciidamada Ethiopia oo haatan Maraakiibtooda Dagaalka ku xiran yihiin Dekada Djibouti.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maraakiibtaan Kiro ahaan looga qaado sanadkii 1,5-Billions US$, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Dowlada Djibouti ay aad uga carootay Falka uu ku kacay Muuse Biixi, iyagoo (Geele iyo Muuse) Waxay heshiis ku ahayeen la dagaalanka Rer Lasanod, isla markaasna Saanad iyo Sahay gargaar ay si qarsoodi ah ugu gudbin jirtay Maamulka Somaliland.

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Djibouti Mr.Ismaaciil Cumar Geelle uu amar ku siiyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dibeda in albaabada loo laabto Xafiiska Maamulka Somaliland ku lahaa magaalada Djibouti, talabadaan ayaa hadii ay dhab noqoto waxaa soo xirmaaya albaabkii Gooni goosadka ee Maamulka Somaliland.

299550cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Djibouti ay Albaabada u Laabtay Xafiiskii Somaliland ee Djibouti..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com