Dood ka Dhalatay Dowladda Federaalka oo Qorsheyneysa in Da’da Qaangaarka laga dhigo 15-sano

Somalia news

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha qeybta Caruurta ayaa qeylo dhaan ka soo saaray Qorshe ay Xildhibaanada Baarlamaanku ku doonaayaan in Da’da Qaangaarka Caruurta Soomaaliyeed laga Dhigo 15-sano, waxeyna sheegeen in Sharcigaasi uu meel ka dhac ku yahay Xuquuqda Caruurta…

Inkastoo la filaayay in Xildhibaanada Labada Aqal ay March 30, 2024, iney u codeeyaan soo jeedinta wax ka bedelka, taasoo hoos u dhigi doonta Da’da qaan-gaarnimada – kordhinta khatarta guurka ilmaha iyo hoos u dhigista heerarka caddaaladda ee qaan-gaarka – iyo suurtogalnimada in la ogolaado noocyo ka mid ah gudniinka fircooniga ah sida ay ku doodeen Kooxahaani.

Laetitia Bader, oo ah Agaasime ku xigeenka Afrika ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Baarlamaanka Somalia looga baahan yahay iney ka hortagaan dadaallada lagu wiiqayo ilaalinta dastuurka ee carruurta, gaar ahaan gabdhaha, waxeyna intaasi raacisay “Deeq bixiyayaasha Somalia waa iney ku cadaadiyaan Dowladda iney fuliso sheegashaheeda ah in ay qaadayso tillaabooyin muhiim ah si ay u fuliso ballanqaadyadeeda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.”

318210cookie-checkDood ka Dhalatay Dowladda Federaalka oo Qorsheyneysa in Da’da Qaangaarka laga dhigo 15-sano
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com