Xoogaga Ahlu Sunnah Oo Baneeyay Dhufeysyadii Guricel

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiis hordhac ah Oo Xoogaga Ahlu-Sunna ay ka baxeen xalay qeybo ka mid ah magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah…

Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xoogaga Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ku baxeen waddada deegaanka God-Wiil ee aada dhanka Waqooyi Beri ee magaalada Guricel, Xoogagaan ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, sida Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaasoo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol.

Howlwadeeno ka tirsan Xoogaga Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen, iyadoo lagu wado in dhowaan la qabto kulan looga hadlaayo dagaalka Dhacay iyo qodobo kale.

147840cookie-checkXoogaga Ahlu Sunnah Oo Baneeyay Dhufeysyadii Guricel