Ciidamada Mareykanka Oo Saldhigg Ka Sameystay Wajeer

Africa News

Ciidamadda Mareykanka ayaa saldhig ka samaystay gobolka Waqooyi bari sida ay ciidanka Kenya uga garabsiiyaan la dagaalanka Kooxda argagixisada shababka halkaasoo la filaayo iney ka fuliyaan weeraro circa ah hadii loo baahdo sida ay Daily Nation u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo…

Talaabadaan ayaa ku hagaagtay todobaad kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu shaaca ka qaaday qorshayaal ciidamo gaar ah loogu soo dirayo Kenya. Hase yeeshee, ma cadda in ciidamada ku sugan gobolka waqooyi bari ay ku yimaadeen amarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Biden warqad uu udiray Koongaraska Mareykanka horraantii bishaan ayuu ku sheegay inuu ogolaaday in ciidamo gaar ah oo ka howgallo loo diro Kenya si ay ula shaqeeyaan militariga Kenya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

“Waxaan nalajooga Mareykanka waxayna doorteen Wajeer sababo la xiriira garoonka diyaaradaha caalamiga oo si fudud uga caawin kara jawaabaha degdegga ah. Waxay sahmin doonaan oo ay ka jawaabi doonaan dhacdooyinkii Gaarisa iyo Mandheera”ilo xog-ogaal ayaa sidaasi u sheegay Nation.

Kuma cusba aaggan. Waxay hadda ka yimaadeen Soomaaliya oo ay si fiican u fahmayaan gobolka, ”ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya, Xerada Wajeer waa tan labaad ee Kenya ay ku leeyihiin ciidanka Maraykanka ka dib Camp Simba oo ku taal Manda Bay oo ka tirsan Lamu.

125710cookie-checkCiidamada Mareykanka Oo Saldhigg Ka Sameystay Wajeer