Maxaa Dowlada ka Hortaagan iney soo af-jarto Xeeladaha Shababku ku kala Gudbiso Lacagaha

Somalia news

Inkastoo Saraakiisha Amaanka oo gacan ka helayaa Xafiisyada Sirdoonka reer galbeedka iyo kuwa UN-ka ee ku takhasusay dabgalka xisaabaadka iyo Account-yada, ay beryahaan wadaan dadaalo ay ugu kuur gelayaan curyaaminta ilaha dhaqaalaha kooxda argagixisada Shababka, isla markaasna lagu guuleystay in la xiro/xayiro kumanaan Account-yo ay ku jiraan malaayin US$…

Waxaase marqaati ma doonto ah in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shababka ay weli si xor ah dhaqaale badan u soo marsiin karaan Baniyada, Xawaaladaha, Shirkadaha, Ganacsatada iyo Gadisleyda ee lacagaha bixiya, iyadoo la xaqiijiyay in Kooxdu awoodo in tiro (100) badan qeybahaan ay mar qura wareejin karaan 10.000 US$ ah midkiiba, si ay ugu fogaato Kormeerayaasha baarista iney ka shakiyaan Maalgeliyayaasha Shababka.

Talaabadani waa xeel cusub oo kooxda iyo taageerayaashoodu ku kala gudbiyaan dhaqaalaha, ogow in lagu qiyaaso Ganacsatada iyo Gadisleyda ku xiran Kooxda ay tiradoodu kor u dhaafeyso 20.000, kuwaasoo ged-gediya dhaqaalaha ay kooxdu leedahay waxeyna ku kala nool yihiin Gobolada Dalka ayna ku jiraan Maamulada Somaliland, Puntland iyo Suuqa Islii ee Nairobi, Saraakiisha Dowladu waa iney feejignaan dheeraad ah siiyaan la socodka dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha kooxda iyo Ganacsatada ku xiran.

Maxkameynta & Tayenta Baarayaasha:-

Dowlada Federaalka waa iney marka hore dhistaa Awooda Hey’adaha Garsoorka iyo Laamaha Baarista si ay ula socdaan isla markaasna gungaar hufan oo soo af hari kara Dembiyada dhaqaalaha kooxda iyo kuwa ku gacan siinaaya, horey ayuu Madaxweynaha u sheegay iney qaadayaan dagaal 3-jiho ah, dhanka dhaqaalaha, Ciidamada iyo Fikirka, inkastoo ay bilaawday hadana waxaa ka muudqa gaabis iyo habacsanaan fulinta awaamiirta ee la xiriira joojinta dhaqaale siinta kooxda.

224470cookie-checkMaxaa Dowlada ka Hortaagan iney soo af-jarto Xeeladaha Shababku ku kala Gudbiso Lacagaha