Ma Dhabaa In Farmaajo Uu Kala Hadlay Muddo Kordhinta Xildhibaano

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu kulan qarsoodi ah la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan iyo Gudoonka Baarlamaanka, isagoo u sheegay iney isku diyaariyaan sidii loo hirgelin lahaa qorshihiisa ku aadan muddo kordhin 2-sano ah…

Ilo wareedkaan ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu kulan la qaatay Tiro Haween Xildhibaano ah (Kutlada Hiil Qaran) oo taageersan iyo Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna u sheegay iney Saaxiibadooda kale ka dhaadhiciyaan sidii muddo kordhin 2-sano ahBaarlamaanka, Dowladda iyo Madaxweynaha loogu Sameyn lahaa, isagoo sidoo kale la wadaagay in Kulanka Teendhada Afisioni uu yahay wakhti lumis isla markaasna uu xaqiiqsaday inuu fashilmaayo loona baahan yahay in Qorshe kale (Plan B) la diyaariyo.

Wararka aya sheegaya in Qorshaha Farmaajo ayaa ah in sidoo kale la bedelo mudada Xil heynta Madaxweynaha oo laga dhigo 5-sano, iyadoo sidoo kale la Qorsheeyay in Golaha Aqalka sare la baa’iyo lana dhimo Awoodaha Dowlad Goboleedyada iyadoo sidoo kale loogu yeeri doono Gudoomiyayaal Goboleed, Qorshahaan ayaa la sheegay in Todobaadka soo socda la bilaabi doono hirgelintiisa.

109040cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo Uu Kala Hadlay Muddo Kordhinta Xildhibaano