3-Madaxweyne Dowlad Goboleed Oo Fariin Adag Loo Gudbiyay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan xalay ka dhacay gudaha xeyndaabka Xarunta Amisom ee Xalane, kaasoo dhex maray Wakiilada Beesha Caalamka Iyo 3-da Dowlad goboleed Ee Taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyadoo Kulankaasi la isku soo qaaday Sababihii dhaliyay in Dowladda Federaalka ay shaaciso in Kulanka uu Fashilmay….

Ilo Wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kulanka ay dalbadeen Dowladaha daneeya Arrimaha Somalia iyo Wakiilka UN-Ka, lana weydiiyay 3-da Mas’uul sababta dhalisay in kulanka uu si deg deg ah u fashilmo, waxeyna farta ku fiiqeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxeyna dalbadeen in la fasaxo oo Degaanadooda dib ugu laabtaan.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in 3-Mas’uul ka gaarsiiyay fariimo adag oo ah ineysan ka bixi karin Magaalada Mogadishu inta xal waara laga gaaraayo Khilaafka Doorashada, iyadoo si gaar ah loo canaantaye Mr.Qorqor oo ka biyo diiday talada loo soo jeediyay kuna adkeystay inuusan wakhti dambe diyaar u aheyn inuu ku lumiyo la Kulanka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Wakiilada ayaa maant lagu wadaa iney kulamo wada tashi ah la yeeshaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ay u dhageystaan Dhinacooda Sababta keentay inuu shirka fashilmo.

109000cookie-check3-Madaxweyne Dowlad Goboleed Oo Fariin Adag Loo Gudbiyay