Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Baardheere & Mas’uuliyiin ku dhaawacmeen

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ku sugnaayeen Tiro badan Oo ka mid ah Odaayaasha Dhaqanka, Waxgarad kuwaasoo doonaayay iney ka qeyb galaan Kulan ay yeelan lahaayeen Beesha Mareexaan..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Weerarkaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday Guriga martida ee Degmada Baardheere, xilli ay ku sugnaayeen Guddoomiyaha Gobolka Axmed Bulle Garaad, Abaandulaha qeybta 43aad Col.Labaale iyo Masuuliyiin kale, Khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka, iyadoo tiro askar ilaaladooda ah ay halkaas ku dhinteen, waxa socda gurmadyo loo fidinayo Dadka ku sugnaa gudaha guriga.

Xaalada Degmada Baardheere ayaa kacsan, iyadoo saaka aan la furin goobaha ganacsiga cabsida iyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee degmadaas ka jira awgood, jidadka Degmada ayaan sidoo kale ka jirin socodka dadka iyo gaadiidka.

246540cookie-checkWeerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Baardheere & Mas’uuliyiin ku dhaawacmeen
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com