Maxaa Xiligaan Ku Riixay in Puntland ay Xiriirka u jarto Villa Somalia

Somalia news

Waayo aragnimadii laga soo dhaxlay Maamuladii Dalka isaga dambeeyay iyo Khilaafka ka dhex qarxo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa 1-aad ayaa inta badan dib u dhac iyo fashil u keeni jiray Madaxweynaha talada haya, hadda Maamulka Villa Somalia iyo Xafiiska Wasiirka 1-aad ayaa saanta isla helay…

Talaabadaan ayaa soo shaac baxday kadib markii Maamulka muddo xileedkiisu dhaamaadka yahay (Dani) uu ku dhawaaqay inuu “si ka madaxbanaan Dowladda Federaalka ula dhaqmeyso” inta laga dhameystiraayo qabyo qoraalka, Hogaanka Dowladda Federaalka dhawaaqaan uga jawaabeen si isku mid ah.

Xiisadaan ayaa meel fog gaartay kadib markii Mr.Saciid Dani uu soo qoraal u muuqda mid sii fogeeyay khilaafka, isagoo markii hore tabashadiisu aheyd in Heshiis hoose at Villa Somalia la gaarto si looga siiyo Xilal Dowladda Federaalka xubno uu soo xushay uuna ku jiro Wiilkiisa oo uu u doonayay in loo magacaabo Danjiraha Somalia ee UAE.

Maxaa Sii Xumeeyay Khilaafka

Deni ayaa magacaabay Guddi uu sheegay iney wada xaajoodyada Federaaleynta la galayaan Dowladii uu ka baxay, hase yeeshee ma cadda cidda ay xaajoonayaan, maadama aan Shacbiga loo soo bandhigin sababta khilaafka iyo wada hadalada hoose ee Dani iyo Villa Somalia dhex maray.

Khubarada Soomaalida ayaa u arka in Khilaafkaan uu ka soo fulay Dani uuna doonaayo inuu ku goosto miro siyaasadeed oo u gaar ah, waxaana xaalada sii murjiyay xiisada ka taagan Gobolka Sool iyo Wada hadalada la qorsheeyay in Villa Somalia la furto Maamulka Hargeysa oo Dani aad u daneynaayo inuu xubno ku yeesho.

237220cookie-checkMaxaa Xiligaan Ku Riixay in Puntland ay Xiriirka u jarto Villa Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com