Fal Dil ah oo ay Geysteen Ilaalada Duqa Magaalada Muqdisho..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil ah oo uu geystay Askari ka tirsan Ilaalada Gaarka ah Gudoomiyaha Gobolka Benaadir, kaasoo rasaas ku furay Gadiid iyo Dad Rayid oo Wadada maraayay, talabadaan ayaa noqtay mid Dad badan aad ula yaabeen mas’uuliyad darrada Ilaalada Mas’uuliyinta Dowladda..

Wararka ayaa sheegay in Dilkaan oo ka dhacay dalcadda Ex-Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee Degmada Hodan, Dilka ayaa yimid, xilli gaari shacab ah uu soo dhex galay kolonyo gaadiid ah oo galbinayay xubno katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kadibna askari katirsan kolonyadaas ayaa rasaas uu furay ku geeriyooday qof shacab ah.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaaya Falalka Shacabka loogu adeegsanaayo Qoryaha ilaalafa Mas’uuliyiinta Dowladda kaasoo lagu marmarsiyoodo in laga shakiyay, waxaana usabab ah amaanka oo aan wanaagsan oo cabsi ay qabaan ilaalada Amaanka.

260330cookie-checkFal Dil ah oo ay Geysteen Ilaalada Duqa Magaalada Muqdisho..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com