Dagaal Dhimasho Sababay Oo ka Dhacay Duleedka Hargeysa..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal beeleed dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa shalay ka dhacay Degaanka cunaqabad oo magaalada Hargaysa u jirta 7-Km, kagana began dhanka konfureed kaasoo sababay dhimasho, Dhaawacyo iyo barakac…

Wararka ayaa sheegay in Dirirtaan ayaa waxaa ku geeriyooday Hal Qof, halka dhaawucuna gaaraayo ilaa Laba Qof, iyadoo ay goobtu gaareen Xoogaga Amaanka ee Maamulka Hargeysa Booliska, kuwaasoo ku guuleystay iney kala dhex galaan labada beelood, Dagaalkan ayaa yimid kadib markii uu khilaaf ka dhashay dhul uu dhex maray laba qoys oo kasoo kala jeeda Beesha Arab iyo Beesha Sacad Muuse.

Degaanada Waqooyiga Somalia (Somaliland) ayaa mudooyinkan u dambeeyay waxa ku soo kordhaayay dagaalka Beelaha ku dhex mara khilaafka dhanka boobka dhulka, waxaana dagaalkan ka horeeyay oo weli aan lagu guulaysan sidii loo soo afjari lahaa dagaal Beelaha Habaryoonis iyo Ciise Muuse ku dhex maray Dhawaan duleedka magaalada Burco, dagaalkaasi oo isna ka dhashay murun dhuleed.

260270cookie-checkDagaal Dhimasho Sababay Oo ka Dhacay Duleedka Hargeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com