Ma Dhabaa In Gudoonku Uu Ka Noqonaayo Go’aankii Xildhibaanada

Somalia news

Gudoomiyaha Golaha Shacbiga ee muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Maxamed Mursal oo maanta Kulan la yeeshay Guddi Xildhibaano ah kuwaasoo ka dalbaday inuu ka noqdo go’aankiisa uu ku ganaaxay 15-Xildhibaan uga joojiyay ka qeyb galka Fadhiyada Baarlamaanka…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Kulankaan diirada lagu saaray xaalada ka dhalatay iyadoo uu Gudoomiyaha lagu Eedeeyay inuu adeegsaday Ciidamo Xikdhibaanada laga xirtay Wadooyinka soo gala Xarunta Madaxtooyada iyo gudaha Baarlamaanka, waxeyna Xildhibaanadaan ay sheegeen in talaabooyinkaasi ay yihiin kuwo ka baxsan Sharci hoosaayada iyo Dastuurka Dalka.

Awoodaha  iyo xilalka Gudoomiyaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sida uu qoraayo xeer hooaaadka waxaa lagu qeexay qoddobada 14aad iyo 16aad ee Xeer-hoosaaska golaha, mana ku jiro  hal qoddob oo guddoomiyaha awood u siinaaya in uu qaado tallaab noocaas ah, annaga oo maanka ku hayna in awood kasta oo mas’uul leeyahay ay lama huraantahay  inay si cad ugu qeexantahay sharciga.

Sida lagu jideeyay farqadda 2aad ee qoddobka 50aad ee Xeer-hoosaadka golaha shacabka, haddii tallaab laga qaadaayo xubin ka tirsan golaha waa in uu soo jeediyaa guddiga xeer-hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda, farqadaas xarafkeeda(E) wuxuu u qoranyahay sidaan “Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa, arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marinta ee laga qaadaayo xubin ka tirsan Golaha Shacabka, sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xad-gudubka Xeer Hoosaadka Golaha”.

Dood dheer kadib Waxaa lagu heshiiyay in Kulanka maanta uu si nabad ah ku furmo Xildhibaanada la gaan ayna Laga noqdo oo ay ka qeyb galaan Kulamada soo Socda, balse xeer jajabkaan hoose ayaa ah mid wax u dhimaaya sharafta Xildhibaanka, Haddiiba kaarkii aqoonsiga ama ID Card-kii ugu weynaa ee Xasaanadda ahaa ee aan Waddo ka xirmi jirin maanta la soo afjaray. Koley Xildhibaannada soo socda ayay farriintan toos ugu socotaa kii Xasaanad doon ahaa iyo midka kaleba siduu berri inoo dhihin xasaanad aan leeyahay.

Xasaanadeey Nabadeey!!.

106590cookie-checkMa Dhabaa In Gudoonku Uu Ka Noqonaayo Go’aankii Xildhibaanada