Share the post "Ma Dhabaa in Isbedel Lagu Sameynaayo Mas’uuliyiinta Xafiiska Wasiirka 1-aad"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe uu ku doonaayo inuu isbedel ku sameeyo Mas’uuliyiinta ka howl gasha Xafiiska Raisul wasaraha Dowladda Federalka, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ugu magacaabi doono Xoghayaha joogtada Xafiiskaasi…
Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com in Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi Barre uu go’aansaday inuu u magacaabo Mr.Maxamed Abuukar Zubeyr oo haatan ah Agaasimaha Guud ee wasaradda Dastuurka Xukuumada Federalka Somalia, Hadi la magacaabo wuxu noqon doona qofki ugu horeeyay ee ka soo jeedo beelaha Jareerweyne oo xilkaas qabto.