Abaarta Baahsan & Sicir Bararka Maciishada Oo Somalia xiligaan ka taagan

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Abaaraha ba’an ee Dalka ka taagan ay culeys ka dhigeen guud ahaan nolosha, waxaa dhibaatadaan barbar socda Sicir bararka Quutal daruuriga ka jira Somalia lagu tilmaamay kii ugu sareeyey 15-kii sano ee ugu dambeysay, iyadoo uu baahay guud ahaan Dalka…

Dadka Danyarta ah ama kuwa saboolka ah ayaa qarka u saaran, iney ka gudbaan xaalada adag oo qiimaha Maciishada oo maalinba maalinta ka sii dambeysa kor u sii kacaya, Marka laga soo tago abaaraha sababta kale ee sicir bararka keentay, ayaa lagu tilmaamayaa dagaalka Ukraine iyo Russia, kaasoo hoos u dhigay wax soo saarka ama dhoofinta Galeyda, Qamadiga iyo Saliida Gabal-dayaha, kuwaasoo ay dibada u dhoofin jireen.

Khabiirada Dhaqaalaha ayaa waxa ay tilmaamayaan in sicir bararkan uu yahay kii ugu sareeyey ee ay wajahaan bulshada Soomaaliyeed 15-kii sano ee ugu danbeeyey, inkastoo uu haatan muuqdo markii ugu horeysay Bilowga Abaabul xoogan uu horseed u yahay Ergayga Madaxweynaha arrimaha Abaaraha, si xal loogu helo Baahida Raashin yarida iyo Abaarta ka jirta guud ahaan Dalka Somalia.

198010cookie-checkAbaarta Baahsan & Sicir Bararka Maciishada Oo Somalia xiligaan ka taagan