Ma Dhabaa in Jahwareer ay Maanta ka jirto Degaannada Maamulka Puntland

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Jahwareer iyo isku dhex yaac ayaa maanta ka taagan guud ahaan degaannada Puntland, kadib markii uu hakad ku yimid isticmaalka adeegyada shirkadda isgaarsiinta Golis, oo ah tan ugu baaxada weyn ee degaanka ka howlgasha….

Adeegyada wicitaanka (Call-ka iyo lacagta danabeysan (Sahalka, ayaa dhamaan maanta istaagsan, taas oo keentay in ay istaagaan ganacsiyadii suuqyada Puntland, Goobaha ganacsiga ayaa dadku dhooban yihiin, kadib markii adeegyadii dadku ka qaateen ay bixin waayeen lacagtoodii.

Lacagta Shillin Soomaaliga oo horey uga istaagtay degaannada Puntland, waxaana duruufo adag oo nololeed wajahayay sanadadii lasoo dhaafay dadka danyarta ah ee kunool goballada Puntland, iyadoo qoysaska qaar ay waayeen waxay quutaan.

Bulshada Puntland ayaa Maamulka, Ganacsatada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta ku eedeeynayay muddo dheer in aan hoos loo eegin nolasha adag ee ka jirta degaanka, Mr.Saciid Deni ayaa lagu dhaliilaa inuu sabab u ahaa in meesha ay ka baxdo lacagta Soomaaliga oo qiimo sare looga sarifayay degaanka, balse u wanaagsaneyd danyarta.

244390cookie-checkMa Dhabaa in Jahwareer ay Maanta ka jirto Degaannada Maamulka Puntland