Maxaa ka Run ah In Dalka Egypt ay Gaadiid Gaashaman ugu Deeqeen Somalia..

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo Amaan ayaa sheegaya in Shirkadda Gadiidka Ciidamada Farsameysa ee Dalka Masar ayaa tiro Gaadiid Gaashaaman waxey u gacan gelisay tiro Dalal aan la magacaabin oo Africa ku yaal iyo kuwaasoo ay ku jirto Somalia, Gaadiidaan Gaashaman ayaa loo adeegsan doonaan Howlgalada Dalka ka socda…

Wararka ayaa sheegaya in Gaadiidkaan Gaashaman oo isugu jira kuwa Ciidamada, Amlaasyo iyo kuwa Sahanka, Gaadiidaan oo tiradoodu lagu qiyaasay 80-Beebe ayaa la sheegay in loogu deeqday Ciidamada Dowlada Federaalka, Gaadidkaan waxaa farsameysa Warshada (AOI), Waxaana lagu magacaabo FAHD Armored Personnel Carrier (APC).

Iyadoo Gaadiidkaan Gaashaman ay soo gaareen Dekeda magaalada Mogadishu, waxaana lio qorsheeyay in lagu howlgeliyo Kacdoonada Gudaha Dalka, iyadoo Gaadiidkaan horey ay Dowlada Masar ugu deeqday Ciidamada Burundi ee ATMIS ee ku howlgala magaca AU-da,

299200cookie-checkMaxaa ka Run ah In Dalka Egypt ay Gaadiid Gaashaman ugu Deeqeen Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com