Golaha Amaanka Oo Macluumaad la Xiriira Drones-ka Weydiistay Turkiga & Somalia

Somalia news

Sida ku cad warbixinta Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ee Somalia waxaa laga dalbaday faahfaahin Drones-ka Ciidamada Somalia ku howl galaan, iyadoo Shirkada samaysa Diyaarada Drones-ka ah Bayraktar TB-2, Turkiga iyo Somalia, la weydistay macluumaad dheeri ah…

Sida ka muuqata qoraal ay soo saareen Shirkada samaysa Diyaaradan ayeey ku sheegeen ineysan waxba kala socon joogitaanka Diyaaradaheeda ee Somalia loo dhoofiyay, Sida xogo kale sheegayaan Sirdoonka Qatar, ayaa isticmaalay saraakiil sar-sare oo ka mid ah Mileteriga Turkiga, kuwaasoo bixiyay amarka lagu geeyay Diyaaradahan gudaha Somalia, iyadoon Dowlada Turkigu si buuxda uwada ogayn dhoofintaasi,

Diyaaradan Bayraktar TB-2, ayaa markii ugu horaysay laga soo qaaday Sawir, iyadoo ku jirta hawlgal gudaha Dalka, inkastoo horay loogu arkay Garoonka Aadan-cade, waxaase la sheegay in la xadiday oo holwgal ka fulin karto 90-KM kaliyah.

Diyaaradahaan ayaa tiradoodu gaaraya ilaa Afar, waxaana Somalia loo keenay qorshe ay wadatay Maamulkii Farmaajo oo ahaa guluf ay qayb ka ahaayeen Ciidamada Eritrea lagu tababarayo, Warshada farsameysa Diyaaradaha Tiknoolajiyada casriga ah ee Turkiga, waxaa gacanta ku haya Wiil uu Sodog u yahay Madaxweyne Erdogan, waana mid Qaran.

Dhanka kale Dowlada Mareykanka ayaa Dowladda Somalia ugu deeqday 5-diyaaradood Drones ah oo ay ku rakiban qalabka yihiin Shucaaca (infra-red or night vision capabilities, from Brett Velicovich), waxaana lagu wareejiyay Ciidamada Boliiska oo loo tababaray iney magaalada iyo nawaaxigeeda ku sahmiyaan.

226520cookie-checkGolaha Amaanka Oo Macluumaad la Xiriira Drones-ka Weydiistay Turkiga & Somalia