Xidhibaanada Labada Gole Oo Ansixiyay Habraacyada Wax ka Bedelka Dastuurka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii Baarlamaanka ee Wadajir Labada Gole oo ay Shir gudoominaayeen Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo kan Senate-ka, kaasoo looga doodaya Habraaca wax ka bedelka Dastuurka Somalia, iyadoo fadhiga buuq hareeyey Xildhibaanada qaarkoodna diideen in Ajendaha la qeybiyo…

Fadhigaan Baarlamaanka ayaa Wariyayaasha madaxa banaan loo diiday madasha maanta, Madaxda Mucaaradka ee siyaasadda Dalka ayaa horey u diiday dhamaan hanaanka geedi socodka Habraaca oo ay dhaliileen, waxeyna soo jeediyaa in la hakiyo.

Wax ka bedelka Dastuurka lagu sameenayay waxaa ogol ugu codeeyay 180 Xildhibaan, halka ay diideen wax ka bedelka Dastuurka KMG 30-Xildhibaan , wuxuuna sidaasi ku noqday mid ku ansaxay wax ka bedelka Dastuurka.

303420cookie-checkXidhibaanada Labada Gole Oo Ansixiyay Habraacyada Wax ka Bedelka Dastuurka..