Ma Dhabaa In Khilaaf uu Soo kala dhex galay Ciidamada ATMIS & NISA

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay Ciidamada ATMIS (Ex Amisom) ay isku dhaceen Xoogaga hubeysan ee NISA ee ka howlgala gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Mogadishu, Khilaafkaan ayaa salka ku haya Mas’uuliyada Amniga Guud ee Garoonka Diyaaradaha…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in isku dhacaan uu salka ku hayo gacan ku heynta Amniga Gudaha Garoonka, iyadoo Madaxa NISA ee Garoonka Diyaaradaha diideen iney qaadaan laba bar kontrol oo gudaha Garoonka ay dhigeen, iyadoo Hogaanka Ciidamada ATMIS ay walaac iyo shaki xoogan ka qabaan Xoogaga NISA.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 1-dii Bishaan Maarso Baaris ay Fuliyeen Ciidamada ATMIS ay ku qabteen Bakhaar hub yaala oo iska leedahay Hey’adda NISA, iyagoo ku wargeliyay Wasaarada Amniga & Hogaanka Sare Ciidamada ATMIS.

Garoonka Diyaaradaha & Xarunta Xalane ayaa ah fariisinka ugu weyn oo ay Qaramada Midoobay, ATMIS iyo Safaaradaha Shisheeyaha ku leeyihiin Caasimadda, waxaana laba todobaad ka hor loo fududeeyay 2- Dalbey ka tirsan kooxda Shababka iney si fudud ku galaan gudaha garoonka Dadna ku dilaan.

180510cookie-checkMa Dhabaa In Khilaaf uu Soo kala dhex galay Ciidamada ATMIS & NISA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com