Rooble Oo Madeira ( Wakiilka Atmis) Dalka Ka Eryay

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Roobke ayaa u qabtay inuu Dalka isaga baxo muddo 48-saac gudahood, kadib markii la helay cod sir oo laga duubay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madeira, isagoo lagu eedeeyay inuu ku dhex milmay Arrimaha Siyaasada…

Codkaan oo si qarsoodi ah looga duubay Mr.Madeira ayaa muujinaya waxa Wasiirka 1-aad Mr.Rooble ku dhaliyey tallaabada uu qaaday, oo hadda u muuqata mid 100% sax ah, Madeira waxa uu si anshaxa ka baxsan ugu gefayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka sameeyey been abuur cad oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Xoogga General Odowaa Yuusuf Raage.

Mr.Madeira ayaa sidoo kale aflagaadeeyay 2-Madaxweyne oo hore iyo Beelaha ay ka doo jeedaan uusan magacaabin, balse la rumeysan yahay inuu ula jeedo Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrinta ugu xanuunka badan ee qalbiyo badan taabatay ee uu Madeira ka hadlay ayaa ah dilkii iyo dulmigii loo gyastay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo uu suurad xumeynayo, hoosna u dhigayo, isaga oo ka dhigaya wax aan macno laheyn, kuna jees jeesaya qaraxii lagu dhammaaday ee Beledweyne.

180460cookie-checkRooble Oo Madeira ( Wakiilka Atmis) Dalka Ka Eryay