Sheekh Shariif Iyo Safarka Jowhar

Somalia news

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle iyo kuwa maamulka gobalka Shabeellada Dhexe…..

Ilo-wareedyo ku dhow ayaa socdaalka Madaxweynahii hore ku sheegay laba sababood oo kala ah:-
-Inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu dhameynayo tabashooyinkii ka dhashay soo xulista baarlamanka iyo qeyla dhaanta ka soo baxeysa qaar ka mid ah beelaha dega HirShabeelle.
-Inuu la soo kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka, madaxda maamulka, Odayaasha degaanka iyo qeybaha bulshada maadaama uu yahay musharax Madaxweyne islamarkaana uu gobalkaas ka soo jeedo, si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan dhismaha maamulka iyo rabitaankiisa siyaasadeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sanado badan tagin gobalka Shabeellada Dhexe oo saameen gaar ah ku leh iyo guud ahaan HirShabeelle, waxa uuna socdaalkiisa ku aaday iyadoo ay socoto doorashada maamulka oo meel dhexe mareyso.

70020cookie-checkSheekh Shariif Iyo Safarka Jowhar