Wariyayaal Lagu Xiray Magaalada Garoowe

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in Xoogag amaanka ay xireen Agaasimaha Radio Daljir faraceeda magaalada Garoowe, Khadar Cawl Ismaaciil iyo Weriye Cabdiqani Axmed Maxamed oo isna ka tirsan Idaacadda Daljir…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Labada Wariye, ayaa xabsiga la dhigay xilli ay doonayeen, iney tagaan Maxkamadda degmada Garoowe su’aalo ka weydiiyaan cabasho ka soo yeertay qoyska marxuumad Hodon Shanlayste, oo shalay dhaliil u jeediyay hannaanka caddaaladeed ee Maxkamadda.

Qoyska Hodon Axmed Maxamed, waxay cabasho ka muujiyeen go’aankii Maxkamadda Garoowe ku sii daysay lix nin oo ku eedaysnaa kiiskii marxuumadda, kuwaasoo sida Maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay, Hodon Shanlayste, waxay ahayd gabar xaas ah oo Garoowe kufsi iyo dil loogu gaystay 10-kii April 2019, islamarkaana mudda sannad iyo laba bilood ah kiiskeedu soo jiitamayay.

59140cookie-checkWariyayaal Lagu Xiray Magaalada Garoowe